Octobar 2006
Dhibka Kala Haysta Dowladda ku Meelgaadhka ah iyo Maxkamadaha Islaamiga ah
“Soomaaliya Soomaali baa leh.”
Ruux kasta iyo koox kasta oo Soomaaliyeed waxay xaq u leedahay iney talo iyo tabarba ka dhiibato aayaha Soomaaliya iyo sidii looga soo kaban lahaa qaran jabka ku dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dawlada ku meelgaadhka ah oo saddex sano ka hor laguu soo dhisay dalka Kenya ayaa ah mid aan tabar lahayn oo sakaraad ah. Dawladdan oo hab beeleed lagu soo dhisay ayaa ka bixi waysan qas iyo jaahwareer ilaa markii lasoo yabyabay.
Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ah madaxwaynaha ku meelgaadhka ah ee Dawladda ee Federaalka ah ayaa codad aad u badan ka helay codeeyayaashii codkooda ugu ridayay ninkii madaxwayne u noqon lahaa Soomaaliya.
Ku guulaysashada uu ku guulaystay Cabdullaahi Yuusuf kursiga madaxwaynanimda dad badan oo Soomaaliyeed ayey ka cadhaysiisay, waayo dad badan ayaa u arka inuu yahay nin dagaal jecel oo col u joog ah. Dad badan oo kalena waxay u arkeen iney doorashadiisu ahayd mid xalaal ah oo uu si xaq ah ugu soo baxay.
Dawladda ku meelgaadhka ah ayaa muddo bilo ah wada hadalo kula jirtay Maxkamadaha Islaamiga ah, kadib markii ay dawladdu aragtay awoodda Maxkamadaha iyo sida ay shacab badan u haystaan. Dawladda ayaa u aragta iney Maxkamaduhu badhi furayaan dawladda oo ay rabaan iney dalka xoog iyo awood ku qabsadaan iyagoon lasoo dooran.
Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay majaraha u hayaan ururka Al-Itixaad oo aaminsan aragtida Wahaabiga ah ayaa inta badan dalka ka taliya, marka lagoo soo reebo labada maamul goboleed ee Somaliland iyo Puntlan oo maamuladoodu hab beeleed ku dhisanyihiin.
Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa aaminsan iney dawladda sakaraadka ahi tahay cadow Soomaaliyeed, sababtoo ah waxay dalka u soo hogaamineysaa Itoobiyaan. Dadka Soomaaliyeed ayaa xasaasiyad wayn ka qaba dawladda Itoobiya; waxayna markasta hogaamiyayaasha Maxkamaduhu carrabka ku dhuftaan cadaawadda faca weyn ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada dhinac ee colaadu ka dhaxayso ayaa loo madaleeyay iney bishan dabayaaqadeeda ku kulmaan caasimada Suudaan, si ay xasarada ka dhex taagan u yareeyaan. Waxayse u muuqataa inayna Maxkamadaha Islaamiga ahi kala jeclayn inuu kulankani dhaco iyo inkale. Maxkamdaha ayaa manta gacan sarreeya; waxayna is bidayaan iney dalka Soomaaliya gacanta ku dhigi karaan si cadaalad ahna u maamuli doonaan.
Dawladda ku meelgaadhka ah ayaa cabsi weyn ka qabta iney Maxkamadaha Islaamiga ahi weerar ku soo qaadaan, kadibna goobtaas lagu kala tago oo xildhibaan kastaa beeshee soo dirsatay dib ugu noqdo.
Karamardhatribune.com